Deeq A. Posted November 30, 2018 Galgaduud (Sh.M.Network) – Kulankaan lagu heshiisiinayey beelo walaalo ah oo in muddo ah ku dagaalamayay tuulooyin hoostaga gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay degmada Guriceel ee gobolkaasi. Nabadoono ka kala socday dhinacyadda ay dirirtu dhex-martay ayaa kulanka ka qaybgalay, kaasi oo gabagabadii laga soo saarey qodobo ay isla meel-dhigeen dhinacyadda intii uu kulanku usocday. Qodobadda ay isla afgarteen waaxaa kamid ah in si rasmi ah xabada loo joojiyo, in la kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay, mustaqbalka colaada xalka laga gaaray, iyo in cidii dib u bilowda talaabada laga qaado. Waxgaradka kulanka yeeshay ayaa sidoo kale waxa ay ku dhawaaqeen Guddi wax laga weydiin doono cida colaadda mar kale bilowda. Dagaaladda udhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed oo kusoo noq-noqda degaanada hoos-yimaada Galgaduud oo sababa dhimasho iyo dhaawac, ayaa waxa ay badankooda salka ku hayaan Aanooyin qabiil iyo dhul-daaqsimeed. The post Beello dagaalamay oo kulan nabadeyn ah loo qabtay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites