Deeq A. Posted November 30, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka, Tibor Nagy, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab aanan wali guul laga gaarin. Nagy ayaa intaas ku daraya in xarakada Al-Shabaab ay wali weeraro taxano ah ka fuliso dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kaaliyaha oo uwaramay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa sheegay in safiirka cusub ee dhowaan Mareykanka usoo magacabay Soomaaliya uu dardargelin doono gulufka looga soo horjeedo Al-Shabaab. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay wali ku tahay amniga Soomaaliya halis muuqata, taasi oo uu xusay inay caqabad ku noqon karto nabadgelyadda iyo kobaca dhaqaala iyo mid horumar ee wadanka. Hadalka kaaliyaha ayaa imaanaya xilli Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] uu kordhiyay duqaymaha uu koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu kula eeganayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab. The post Mareykanka: “Al-Shabaab wali way ku xoogan tahay Somalia” appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites