Deeq A. Posted November 30, 2018 Boosaaso (Sh.M.Network) – Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxay Qarax Bam-gacmeed oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ku sugnaa nawaaxiga xarunta dowlada hoose ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in qaraxa lagu weeraray ciidamada xili ay ku guda jireen howlgal lagu sugayay nabad-gelyadda magaaladda, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac. Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyay in weerarka kadib ay sameeyeen howlgal baaris ah oo ay baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi, inkasta oo aanan la ogayn hadii ay jirto cid loosoo qabtay. Maalmihii lasoo dhaafay falalka liddiga ku ah amniga ayaa kusoo badanayay magaalada Boosaaso, waxaana inta badan sheegayay weeraradaasi kooxda Daacish garabkeeda Soomaaliya. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Boosaso appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites