Sign in to follow this  
Deeq A.

Tuulax oo soo dhaweeyay howlgal lagu soo qabtay Burcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay howlgalka ay ciidamada kusoo qabtay rag la sheegay inay dhac ka geysan jireen degmada Yaqshid.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Tuulax], Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muhiim ay tahay inay ciidamada ka feejignaadaan burcadda.

Ciidamada dowladda ku sugan degmooyinka kale ee gobolka ayuu ku tartarsiiyay inay ku daydaan ciidanka soo qabtay ragaasi, kuwaasi oo dhaawac loo geystay intii lagu gura jiray howlgalkii lagu soo qabtay.

Tuulax oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa uga mahad-celiyay ciidamada maamulka degmada Yaqshid talaabada ay qaadeen.

Wararka ay helayso idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in mid kamid ah raga gacanta lagu soo dhigay uu ugeeryooday dhaawaca soo gaaray, oo loo dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee caasimada.

The post Tuulax oo soo dhaweeyay howlgal lagu soo qabtay Burcad appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this