Sign in to follow this  
Deeq A.

M/Cagjar: “Baaris ayaa ku socota dad qaraxyo abaabulaya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa sheegay in dagaalada udhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ay ka dambeeyaan siyaasiyiin dano gaar ah leh.

Mustafa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaritaano ay ku hayaan shaqsiyaad uu sheegay inay qaraxyo kasoo abaabulayaan degaanada Jubbaland iyo Somaliland, kuwaasi oo doonaya inay shacabka ku dhibaateeyaan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu carabka ku adkeeyay inay ka hor-tegi doonan, islamarkaana feejig-dheeri ah la gelin doono ciidamada degaanka si aanan waxyeelo usoo gaarin shacabka.

Hadalka Madaxwayne Mustafa Cagjar ayaa wuxuu imaanaya xili degaano dhaca is-maamul goboleedka Soomaalida ee ka tirsan Federaalka Itoobiya uu ka socdo isbedal siyaasadeed oo xoogan, kaasi oo ay shacabk soo dhaweeyeen.

The post M/Cagjar: “Baaris ayaa ku socota dad qaraxyo abaabulaya” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this