Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo G/Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka ka helayno gobolka Mudug, gaar ahaan tuulooyinka ku teedsan degmada Xarar-dheere waxay sheegayaan in xarakada Al-Shabaab ay halkaasi ka wado dhaqdhaqaaq ciidan.

Dadka degaanka ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay isaga baxday degaano kale oo ku dhow halkaasi, oo ay lasoo sheegayo in ciidamada maamulka Galmudug ay qarka u saaran yihiin inay la wareegaan.

Fahaahinta ayaa tilmaamaya in saacadihii lasoo dhaafay degaano ka tirsan gobolka Mudug lagu arkay diyaarado dagaal oo joog hoose ku socday, kuwaasi oo aanan la ogayn halka laga leeyahay iyo ujeedkooda.

Gobolka Mudug dhowaanahan waxaan ka dhacayay duqaymo xoogan, kuwaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, xili uu sheegtay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika, kaasi oo wacad ku maray inuu xoojinayo.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Abuul.mp3

The post Dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo G/Mudug appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this