Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay Goofgaduud iyo Xiisad ka taagan G/Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud.

Weerarka ayaa ku bilowday Qaraxyo, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana xigay weerar toos ah oo ciidamada Al Shabaab ay ugu galeen gudaha saldhiga ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud.

Deegaanka lagu dagaalamay waxaa fariisin ciidan ku lahaa ciidamada Koofur Galbeed iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana marar badan ka dhacay weeraro Al Shabaab ku qaadeen deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ay u suuro gashay inay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka muddo daqiiqado ah, walow markii dambe ay isaga baxeen.

Deegaanka Goofgaduud Boorey ayaa u jira magaalada Baydhabo qiyaas ahaan 30 KM oo dhinaca waqooyi ah, waxaana hadda la sheegay in ciidamada dowladda dib u qabsadeen deegaanka.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid gaadmo ah, islamarkaana ay iska difaaceen ciidamada AL Shabaab ee weeraray saldhigooda deegaanka Goofgaduud.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkii saaka waxaana xiisad abaabul dagaal ay ka taagan tahay deegaanka iyo kuwo ku dhow, sida wararka aan heleyno ay sheegayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this