Deeq A. Posted November 30, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo baaritaano ah waxa ay ka sameyeen agagaarka ajabka ee xaafada mac-macaanka, dagmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Howlgalka ayaa yimid markii mid ka mid ah ergaydii soo dooratay Xilldhibaanada Baarlamaanka Federaalka lagu dilay halkaasi, sida ay idaacadda Shabelle uxaqiijiyeen illo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxihii dilka geystay ay iska baxsadeen halka uu falka ka dhacay, mana jirto wax war ah oo ka so baxay laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya iyo maamulka degmadaasi. Illaa iyo haatan, ma jirto koox dhabarka saaratay masuuliyadda dilka loo geystay shaqsigaasi oo aanan la wali la helin magaciisa. Mudooyinkii udambeeyay dilal qorsheysan ayaa waxa ay ka dhacayeen xaafado ka mid tirsan magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, xili isgoysyadda ay joogaan ciidamo Boolis ah oo nabad-gelyadda sugaya. The post Ciidamada DFS oo howlgallo ka sameeyay D/Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites