Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahino kasoo baxay dilal ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa xafaado ka tirsan degmooyinka Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose, iyo Dharkenlay, Muqdisho, gobolka Banaadir, waxay ka geysteen dilal qorheysan.

Dilka laga soo wariyay xaafadda Dhagax-tuur, ee degmada Afgooye, waxaa lagu naf-gooyay ruux magaciisa lagu soo koobay Asad, kaasi oo ay wararku sheegayaan inuu kamid ahaa dadka degaanka.

Dhanka kalel, dhacda kale ee laga soo sheegay xaafada mac-macaanka ee degmada Dharkenlay, waxaa lagu khaarijiyay shaqsi la tilmaamay inuu kamid ahaa Ergooyinka soo doortay Xilldhibaanada haatan shaqeeya.

Ciidamo ka tirsan dowlada oo meesha ay wax ka dhaceen tegay saacado kadib markii uu falku dhacay ayaa lagu soo waramayaa inay sameeyeen howlgalo baaris ah, kuwaasi oo aanan la ogayn hadii ay cid usoo qabteen.

Ma jirto cid sheegatay dilalkaan oo qayb kamid ah falalka khal-khalka gelinaya nabad-gelyadda, kuwaasi oo ay geysanayaa kooxo hubeysan, inkasta oo ciidamada amnigu ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban-lahaayeen.

The post Fahfaahino kasoo baxay dilal ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this