Deeq A. Posted November 29, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Waaxda xiriirka dadwaynaha ayaa soo bandhigtay qorshe cusub, kaasi oo masuuliyiinta gobolka Banaadir kaga heli karaan shacabka cabashooyinka ay qabaan, amni darida iyo arrimaha kale ee jira. Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda ee gobolka, Basma Caamir Shakeeti, oo munaasabad lagu soo bandhigay qorshahaan cusub ka jeedisay hadal ayaa sharaxaad ka bixisay qaabka uu ushaqaynayo. Basma ayaa daboolka ka qaaday in dadwaynaha ay soo wici karaan ama ay fariin kusoo diri karaan lamberka tir-sigiisu yahay 992, xili ay tilmaamtay inay heli doonan jawaab ku haboon cabashada markaasi ay qabaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mutawakil-3.mp3 The post Mamulka Gobolka Benaadir oo soo bandhigay Barnaamijka 992 appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites