Sign in to follow this  
Deeq A.

Is ugaarsiga Al-Shabab iyo Daacish oo Afgaooye ka billowday (Maxaa dhacay maanta?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dilayaal halis ah usoo dirtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ka biloway ugaarsi xooggan oo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Daacish.

Labadan koox ayaa dhowaanahan waxaa ka dhaxeeyey loolan adag, ayada oo Al-Shabaab ay dooneyso inay ka hor-tagto fiditaanka Daacish ee Koonfurta Soomaaliya.

Dilayaasha Al-Shabaab ee ugaarsanaya Daacish, ayaa maanta degmada Afgooye ku dilay nin la tuhunsan yahay inuu yahay minted.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in ninka la dilay uu horey uga soo goostay Al-Shabaab, kuna biiray kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Toddobaad ka hor ayaa kooxda Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya waxay u hanjabtay koxoda Al-Shabaab, oo ay sheegtay inay ugaarsaneyso dagaalyahanadeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this