Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya Oo howlgallo ka wada xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Kenya ayaa maanta lagu soo warramayaa in ay howlgallo ka wadaan xadka Soomaaliya.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay ka socdaan agagaarka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaano dhowr ah oo dhaca xadka labada dal.

Ciidamada ayaa baaraya Dadka iyo Gaadiidka isaga kala gooshaya xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

U jeedka howlgalladan lama oga, hase’ahaatee Ciidanka ayaa gacanta kud higay tiro dad ah oo ay ka shakiyeen.

Maalmihii dambe Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa sare u qaaday weeraro ay ku fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

The post Ciidamada Kenya Oo howlgallo ka wada xadka Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this