Deeq A. Posted November 29, 2018 Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Taliska Ciidanka Booliska maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in ay heleen Xog dheeraad ah oo ku aadan weerarkii 26 kii bishan lagu qaaday xarun uu magaalada Gaalkacyo ku lahaa Sheekh Cabdiweli Cali Climi Yare. Taliye ku xigeenka Booliska maamulkaasi Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ay ogaadeen Gurigii laga soo abaabulay weerarkaasi. Waxaana uu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan arrintaasi. Isniintii la soo dhaafay ee todobaadkan ayey aheyd markii weerar ku bilowday qaraxyo Al Shabaab ay ku qaadeen K/ magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Galmudug Oo shaacisay xog ku aadan Weerarkii Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites