Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo war ka soo saartay weerar ka dhacay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Taliska Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Dagaalyahannada Al Shabaab.

AMISOM ayaa beenisay in Askar ka tirsan Ciidamadeeda lagu dilay dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in Al Shabaab ay soo weerareen fariisimahooda, islamarkaana ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaana ay AMISOM intaasi ay ku dartay in wax khasaare ah uusan weerarkaasi ka soo gaarin Ciidamadeeda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Al Shabaab ay sheegteen in 2 ka tirsanaa Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ay ku dileen weerarkaasi.

The post AMISOM Oo war ka soo saartay weerar ka dhacay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this