Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadaadaw Anaku Ku Sheegi-mayno Ee Yaanu Camal-kaagu Ku Sheegin ( Abdi-Shotaly)

Recommended Posts

Deeq A.   

Qofku inkastuu is yeel-yeelo, oo is yidhaaho shaadh kale u soo gasho ummadda, sidda jirji-roolaha kolba midab isu yeel, yaan lagaa garan, oo wax aanad ahayn iska dhig, weji kii aad lahayn ka duwan la soo bax, oo sumcad beena samayso, si kaste oo uu is yidhaaho booga-haaga qari iyo waxa aad tahay yaan la ogaane, dafiro sawirka shakhsinima-diisu ay tilmaamayso ama dambabas oo go’ kale huwo aan lagugu aqoonin, in yar bay taasi u shaqaysaa mudo kooban ah, aakhirka-se way soo gabtaa, oo xagga samadda baa rabbi ka kashifaa, waxana uu hoos yimaadaa cadceedda oo duhur ah, isaga oo qaawan iskana xayday maraddii, banaan

BB986397-1556-4002-B39B-4AA420DBC2C5.jpe

taagan buu is arkaa, wixii uu is lahaa ded-na, uu af-kiisu hayn kari waayey, sheegaayana ceeb-tiisa. ilayn qofka dib loo abuuri-maayo’e, iyadda oo aan meel kale looga iman, cid sheegtay-na aanay jirin buu is qarxiyaa isaga laf-tiisu, sidda askarigan la yidhaaho ” Raggii Ma Adigaa Ka Hadhay” wax uu galgasho-ba, hadba ciiro aan qarinayn uu is yidhaaho dhgex qaad-ba, wuxu ku dambeeyaa sheekaddii ahayd ” Daahir Yaa Shamis”, iyadaana is shaacisa, oo is faafisa, meel walbana sidda tv-yadda iyo idaacaddii BBc-da iska sii daysa, waxa ahdaba.

Nimaan taqaano uur-kiisa baad ku jirtaa baa hore loo yidhiye, haduu askarigii uu si wacan isugu sii dhamooqay waqdiisii, bal daya wuxu maantana la yimi, si kaste oo wax loogu sheego, isma doorsho dhagax. Ilaah ha u naxariisto’e Ismaaciil cagaf baa waxa ka mid ah baydadka ku jira heesi-hiisa qaraamiga ah baa wuxu yidhi ” Dhirtoo I maqashaan I dhaafteen, oo dhagaxay damqan-laa dhadhaabka ah” u jeedadu waxa weeye, dhegihii ilaah waaniyaa waansan, ee kani waa dameer sayax daaqay iyo kibirkii dherga ee uu la danaaniyi jirey. bal daya wuxu yidhi, idin-ba waad yaabi doon-taane. Wuxu saxeexay, oo uu dib ugu celiyey golaha xildhi-dhibaanada, inta badanina ay ka soo jeedo xafadaha la baxay jeegaanta, ee khaladka isu bahaystay ugu sacab tumayaan ankaaka ku fadhina kursiga. bal maskaxdan eega ummad yahay, wuxu yidhi isaga oo u sii meel banaysa-naaya, in dadka la iska laayo “Haddii uu Askari dilo ruux shicib ah, Ma la maxakama-daynaayo, loona xidhi-maayo, magna laga bixin-maayo” taas oo micna-heedu yahay, wixiisii xilka lahaa, wixii juuq yidhaaha, rasaas ha lagu furo, geeri iyo mag la’aan, waa muwaadi-niinta ha la laayo oo sideedda ah, oo waxa uu maleeshi-yaadkii jeegaanta u fasaxay, in ay laayaan wixii aan jeegaanta ahayn, caqliga askarigu waa kaas, ka ay noogu sheegaan maamul buu hayaa. mase iman doonto ee dhuunta baa la iska mudi, ee ha timaado, . waa loo mina fadhiyaaye.

Aqoonta handaraab qof-na kama dedna, in uu is bartaa baa wanaagsan, inta aanu ciyaalku ogaan, oo uu is banbaaniyo, sidda tooska ahna uu u dhqamo ama u socdo, waayo isagaa isi soo xidhaya, oo garkii lagu xidhaayey xagli-hiisa ku sita, siddii doqntii la yidhi, hogaanka lagu dabaayo iyadad baa soo qaadata, kanina akhristaw isaga baa isku kala goynaaya qoofal laba qufule ah, hadhawna bacaac la soo jeesanaaya marka runta lagu qarxiyo,oo sidiisii odhan doona war-baahinta baa wax la iga yidhaaha, oo la iga caayaa. Somalidu hore waxay u tidhi ” Bahal Caydhin ma daayo, nina caadi ma baajo’e”, askarigu waa kii aynu naqaanay uun, maalin-ba waxa uu keenaa tii hore bay fadhiiso odhanay-saa, kuwa hor booda-yaana runta uma sheegaan, oo waa kuwii la yidhi ” Duqsigu dant-iisuu wisikh-da ugu jiraa,oo dantoodda bay ku wataan, ay inta musha-haaradda ah iyo dhaca hantidda muwaadi-niinta boobka lagu xaalufi-naayo. waa murtiddii ahayd “Adhi Jiri ma kala abaal waydo ama tuug-tuug ma sheego” Waxan ku soo dabray qoraalkan, waa inoo markaa iyo waaya-heedda. kani isga ba aisi soo handaraa-baayee.

N.B Nimaad Taqaano Uur-kiisa Baad Ku Jirtaa!

Qore Abdi-Shotaly

abdijahmed2014@hotmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this