Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta Dhabta Ah Ee Ku Duugan CisbitaalkaTogdheer Private Hospital Ee Magaalada Burco.. waxa Qoray Sacad Faransa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SL-T Burco) Cisbitaalka Gaarka Looleeyahay Ee Togdheer Private Hospital Waxa Uu Kuyaalaa Xaafada Tawali Ee Magaalada Burco,

Runtii Bulshadu Waxay Ku Qabtaa Dhibaato Aad U Weyn Maadaama Uu Dhakhtar Uyahay Kala Badh Magaalada Hadana Bulshadu Kuma Qabto Daryeel Caafimaad Oo Dhamaystiran. Balaadhnaanta Cusbitaalka iyo Shaqaalaha Ka Shaqeeya Maaha Mid isku Dhigma Waxaana Fara Ku Tiris Ah Shaqaalaha Cusbitaalkaasi Ka Shaqeeya Kadib Markii Ay Shaqaalaha Dhimis Sameeyeen Maamulka Cisbitalkaasi Qormadani Waxay Daaha Ka Faydaysaa Saddex Dhacdo Oo Bukaankii Cisbitalkaasi Adeeg La’aan Ugu Geeryoodeen Gudaha Cisbitalkaasi Laba Dhacdo Aniga Oo Qormadani Qoray Ayaa Goob Joog U Ahaa Halka Dhacdada Saddexaad Uu iiga Waramay Goobjooge Kusugnaa Wakhtigii Ay Dhacaysay Dhacdada Koobaad. Goor Habeenimo Ah Oo Ay Saacadu Ku Beegnayd 12:00 Habeenimo Ee Geeska Afrika Aniga Oo Usocda Guriga Aan Dagenahay Oo Cusbitaalka U Jira Wax Ka Yar 50 Talaabo Ayaan Arkay Ruux Bukaana Oo Laga Dejinayo Gadiidka Dadweynaha Ee Loo Yaqaano Bajaajta Waxaan Usoo Dhaqaaqay Dhankii Cisbitalkaa Oo Lagalinayo Qofkii Xaalada Degdega Ahayd Ku Jira Waan Galay Cisbitaalkii Gaar Ahaan Qaybtii Loogu Magacdaray Gargaarka Deg Dega Ah Waxaa Mudo 10 Daqiiqo Ah LA Toosinayay Gabadh Neeras Ah Oo Dhakhtarka Joogtay Gabadhii Markii Ay Bukaankii Soo Dul istaagtay Ayay Ku Bilawday Dadkii Siday Maxaa Ku Dhacay Waxayna Usheegeen in Uu Ka Naxay Geerida Walaalkii Oo Dalka Sweden Shil Gaadhi Ku Galay Gabadhii Neerasta Ahayd Waxay Soo Qaadatay Saacad Ay iigu Sheegtay in Lagu Cabiro Kubaanka. Dhawr Goor Ayay Labada Gacmood Ku Xidhay Oo Ay Ku Celcelisay Kadib Waxay iisheegtay in Ay Saacadu Shaqayn Wayday Waxay Muddo 25 Daqiiqo ah Oo Ay Dheertahay 10 Daqiiqo Ee iyada LA Toosinayay Ay Ku Qaadatay inay Noo Xaqiijiso inuu Qofku Mayid Yahay Oo Naftii Ka Baxday inkasta Oo Ay Male Galisay Hadana Waxa Bukaankaasi Geeridiisa Xaqiijiyay Nin Wadaad Ah Oo Wadada Looga Yeedhay. Dhacdada Labaad.. Goor Saacadu Ku Beegantahay 2:00 Habeenimo Ee Geeska Afrika Waxaa Aniga Oo Sidii Caadadu Ahayd Xagii Guriga Aan Degenaa U Lugaynaya Aan Kusoo Baxay Nin Yaala Daarada Hore Ee Cisbitalkaasi Oo Uu Dul Taaganyahay Hal Nin Oo Ku Qaylinaya Waar Ninka ila Qaada Waan Kusoo Baydhay Waxaana Ninkii Qaaday Aniga iyo ninkii Dultaagnaa. Waxaana Aan Gaynay Sariirta Qaybta Gargaarka Deg Dega Ah Waxaana Noosoo Gashay Gabadh Neeras Ah Balse Way Na Dul istaagtay iyada Oo Aan Adeeg Caafimaad U Fulin Ninka Bukaanka Ah Aniga iyo Ninkii Qaaday Bukaanka Waxaanu Muddo 30 Daqiiqo Ah Aanu Gabadhii Ka Kariwaynay Ninkan Adeeg Caafimaad U Fuli Balse Way Na Dul Taagnayd iyada Oo Marba Galoofiska Gacmaha Xidhanaysa Marna iska Saaraysa Ninkiina Uu Koomo Ku Jiro Oo Uu Noolyahay iyada Oo Aan Waxba U Qabana Saacad Kadib Ay Bukaankii Naftu Ka Baxday. Dhacdada Sadexaad Goordhow Lasoco…

Qore: Sacad Afjar

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this