Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Al-Shabaab oo ka baxay Xarardheere iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka Mudug aya sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay si lama filaan ah uga baxeen magaalada Xarardheere.

Al-shabaab oo muddo ka badan 10 sano gacanta ku hayey magaaladaasi ayaa sheegaya ina sababta ay uga baxeen ay tahay cabsi ku saabsan duqeyn dhinaca cirka ah oo lagu qaado, waxaan dadka degaanka ay sheegeen in magaalada cabsi xoog leh ka jirto, iyadoo dhaqdhaqaaqu yaraaday.

Maleeshiyada Al-shabaab ee ka baxay degmada Xarardheere ayaa la sheegay inay isugu tageen duleedka magaaladaasi iyagoo magaalada ay ku soo hareen dad shacab ah oo keliya.

Muddooyinkii ugu danbeeyay ayaa duqeyn cirka ah lagu qaaday xerooyin iyo goobo ay Alshabaab ka joogaan agagaarka magaalada Xarardhere, iyadoo lagu dilay maleeshiyo boqolaal ah sida uu Mareykanku sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Xarardheere
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this