Deeq A. Posted November 29, 2018 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu sugayo waxa ay ka wadaan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan. Howlgalladan ayaa daba socda kadib markii shalay qaraxyo laga maqlay nawaaxiga garoonka degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay. Ciidamada Jabuuti ayaa ee AMISOM ayaa ka qeybqaadanaya howlgalkaan, waxaana ciidanku isku faafiyeen xaafadaha degmada Buulo-burde. saraakiisha ammaanka degmada Buulo-burde weli wax faah faahin ah kama aanay bixin howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites