Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii ka dambeeyay Weerarkii Hotel Saxafi Oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo la soo dhigay  bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada amnigu ay qabteen Maskaxdii ka dambeysay weerarkaasi.

Sidoo kale taliska NISA ayaa tilmaamay in ninkaasi la horgeyn doono sharciga, si looga qaado tallaabo adag.

“Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu ku soo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii  lagu qaaday Hotel Saxafi, Waxaana la horgayn doonaa sharciga”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda NISA.

Sagaalkii bishan November ayey aheyd markii weeraro qaraxyo ahaa lagu qaaday dhismaha Hotel Saxafi, kaas oo ay ku dhinteen dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

Al Shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada dowladda kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.

The post Ninkii ka dambeeyay Weerarkii Hotel Saxafi Oo la qabtay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this