Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda Jabhadda ONLF Oo booqanaya dalka Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga ( Sh. M. Network )-Wafdi ka kooban 20 xubnood oo ka socda hoggaanka sare ee ONLF ayaa Sabtida soo socota oo ku began 1-da December ku wajahan dalka Ethiopia.

Xubnahani ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyaha ONLF Maxamed Cumar, sida uu sheegay Afhayeenka Jabhaddaasi.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa xilli todobaadkii la soo dhaafay ay Ciidamada ONLF  ku laabteen magaalada Jigjiga, iyagoo ka soo guuray xeryahooda dalka Eritrea.

ONLF iyo dowladda Ethiopia ayaa Asmra bishii la soo dhaafay ku saxiixday heshiis lagu soo afjaray colaaddii u dhexeysay labada dhinac.

Heshiiskan ayaa u ogolaanaya ONLF in ay si nabad ah ku raadsato hankeeda siyaasadeed ee Ethiopia, iyadoona Ciidankeeda lagu biirinayo kuwa dalkaasi.

Dhawaan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wadahadal la furay xisbiyada siyaasadeed ee Ethiopia, kuwaas oo uu kala tashanayo doorashada dalkaasi ee 2020-ka.

The post Wafdi ka socda Jabhadda ONLF Oo booqanaya dalka Ethiopia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this