Deeq A. Posted November 29, 2018 Ilaah ha u naxariisto’e C/ raxman Axmed Cali iyo Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxay la soo kici lahaayeen luxudka haddii ay ka war hayaan, dalkii mid-na uu xoreeyey. mid-na salka u dhigay xaalka uu ku sugan yahay maanta. Akhrista-yaal maansadan dheeri, waxay banaanka soo dhigaysaa, amuuro lagu goblamay, oo uu dhigay askarigan Meesha walaaqay, laga soo bilaabo halgankii, ummadu ay moodaysay in ay wax korordh-sanayso, ee ay qoriga degta saareen, noqon waayey wixii ay ku talo galeen, isaga oo horsed ka ahaa, in alaale intii dib u dhac ka timi, haday tahay dagaalo sokeeye, boob, is nacsiin, qaybi oo xukun, hadba gaashaan buur u samayso, qabyaalad daaha goosatay, been iyo xaaraan aan laga xishoonayn, waxay ku taabsii-naysaa maansadani, xaqiiqdda taagan iyo sidda ay askartu dariiqii uga duday ummadda, imikana ay gobola dhami Meesha ka baxeen, inta kale-na ay sii kala jeedo, markaa waxan idinka codsanayaa in aad akhridaan, iyadda baa isu kiin sharixi doontee Dood weeye qoto-dheer, dareen-keeda wadatoo, Deeleey waa ramad, xoor laga dur-duurtaa, Iska daadi maahee , rag baa loo dul joogaa, Duunya-diisa ay tahay, dambar-keedda lisa’oo, Wax kale-ba u daaq tegin, doolaalad ugu iman. Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Derder maaha sheekadu, dafdaf-tana laguma gallo, Duuduub-na waa bello, dul ka xaadis weeyaan, Ma cadeyso denbigoo, halka doogtu ay tahay, Ma dilaacsho diirkee, wuu sii dahaadhaa, Qalin duure weeyoo, dube weyn la soo kacay, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Cidda uu duraa-yiyo, xumba-diisa doob-tiyo, Gol daloola-diisaa, uu ku daahay haraguu, Nin da’ weyni wuu garan, ilimaha daloolee, Dabaylaha wax qaadiyo, duufaan habeen-nimo, Midka daadka soo rogga, ee dumiya moos-yadda. Wixii hore-ba daayoo, imikaa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Tani waa dardaa-rane, waxay tidhi da’ laydani Xalay goor dambay tahay, dawakhaad ku kacayoo, Dam-dam iyo durbaan baa, docdda layga tumayoo, Is diid-siiyey dhawr jeer, misna doonay aragood, Naftu dayrisoo tidhi, waxba haysku daaline Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Derma-daadda sii jiif, dana-haaga maahee, Waa lays derde-rayaa, debedaa-ba haw bixin, Duul baa ku nooloo, wixii aanay doonayn, Dabin bay u qoolaan, iyakaa dambaa-bidha, Dugaag bay u loogaan, way dalamsa-daanoo, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Diir-kiyo laf-taba liqa, Dibna-hoodda dhiig iyo, Inta darib baruura ah, ka deldelan can-koodaa, Markaad dacal ka eegtaba, jidh dubaaxi-yaayoo, Diirnaxaaba kuma yaal, inta daabka lala dhacay, Inta dayrka lagu gubay, inta Dayaca lagu dilay , Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Inta ay dayuuradi, dusha sare ka timi, Ku dam siisay qumbulado, baabbi’isay degelkii, Da’ kastoo ku noolayd, dumar iyo caruutii, Kuwa dirca lagu sido, indhoolaha wax deyi karin, duunyaddii dhamaan-teed, kolay tahay dameeraha, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Kala diray dad-kiiyee, inba gees u didayaan, Degma-iisaa mooyee, cid kale-ba danayn, Dulmi hanta buuxiyey, misna loo dabaal dego, Reer-kayga ii daa, dadka kale-na yeelood. Dhiin iyo lo’doo dihin, dalawaddi irmaanayd, Laxdda dooxa loo dhigay, darartii riyaha iyo, Diiqo iyo karuurkii, iyakoon wax dhamin dhishay, Inan diib is marisoo, tima-dabatay quruxoo, ku dekaysa buul caws, waa hore is daayeen, Wixii hore-ba daayoo, waataa askari degay, Source Share this post Link to post Share on other sites