Sign in to follow this  
Deeq A.

Post-traumatic stress disorder. Xanuun beryahan ku soo badanaaya bulshadeenna.

Recommended Posts

Deeq A.   

Post-traumatic stress disorder: waa xanuun maskaxda haleela. Xanuunkani waxa uu ku badanyahay dumarka, ragga iyo carruurta. Kaas oo ka yimaadda dhacdooyinka waxashnimada leh ee is-daba jooga oo farriimahoodu soo gaadhaan maskaxda; kaas oo qofku xaadir u ahaa markii ay dhacayeen ama looga sheekeeyey. Inta badan xanuunkani waxa uu gaar u yahay dadka dagaalada ka qayb galay, sida dagaallada diimaha amase wakhti ku lumiyey daawashada dagaallada. Dagaalada dawlada ee nafaha badani ku leedmaan.

Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah, qofka oo habeenkii junuudi u timaaddo oo ciqaab aan kale go’lahayn u gaysato, xusuusta iyo kale saaridda saxnimada “shay”oo qofka ka lunta, isku buuq joogto ah, iyo rumaysnaanta saxnimada dhacdooyinka ku soo noqnoqda maskaxda qofka.

Tusaale; ka sheekaynta dagaalada, ciqaabka ay dawladuhu sameeyaan, cabsida uu qofku ka qabo in sharciga la horkeeno, iyo faqriga aad ka u daran wa waxyaabaha qofka ku keeni kara xanuunkan. Sidoo kale, waxyaabaha ugu badan ee somalida ku keena xanuunkan waa koox-diimeedyada iyo afkaarta khaldan ee loo adeegsada diinta. Sida qofka oo markasta ka sheekeeya dil, xasuuq, is-qarxin, dagaal iyo in dad gaara qoorta laga guro. Kaas oo qofkaas aakhirka uu asiibo xanuunkani. Qofkani waxaa uu isku arkaayaa shahiid, Jannadiina labada indhood dhexdooda ayaa loo joojinayaa, ilbidhiqsi kastana waxa u soo ura udgoonka Jannada, waxa uu u haliilaa jaqidda dheecaanka iyo muudka aadmi kale.

Degaanka dabiiciga sida daawashada buuraha, cirka, doogga kale jaadka ah, makhluuqaadka kale geddisan, kale duwaanshaha xilliyada, hab-nololeedka noolaha, neecawada ugdoon, fallaaraha cadceedda sii dhacaysa. Fallaaraha Oogga waaberi ee soo kaahaya, dhibicda roobka ee tifiq leh iyo muuqaallada dabiiciga ahi dhammaantood waxa ay daawo u yihiin in aad ka badbaaddo xanuunkan maskaxda asiiba.

Astaamaha xanuunkan:

1. Intrusive memories, qaybtan oo ah qofka oo xusuustu ka lunto. Qofka waxa ku soo noqnoqda isku buuq maskaxeed ay sababto jug soo gaadhay maskaxdiisa waa-hore. Qofka ay isu sawirto xaalad waxashnima ah oo uu samaynayo.

2. Qofka oo khalad aamina naftiisa, sida muuqaalkiisa dhaqankiisa, iyo gebi ahaanba noloshiisa. Qofka oo khalad aamina dadka iyo dhaqankooda iyo guud ahaan ba in kawnkan hab-nololeedkiisu yahay mid khaldan oo aanu u qalmin in uu sabab la’aan ku sii noolaado. Qofka oo rajo la’aan ka istaaga nolasha. Xusuusta qofka oo liidata. Xidhiidhka qofka oo liita–gebi ahaantiina aanu ba hal qof la saaxiibin, kelinimana laazimo. Qofka oo maskaxdiisa ay ku soo noqnoqoto dagaal ka dhan ah caqiidadiisa.

Gunta iyo gunaanadka xanuunkan iyo caqiida qofku uu aaminsanayahay waxa ka dhexeeya xidhiidh aad u ballaadhan sida sheegeen cilmi baadhayaashu. Qofka marka may la soo dersaan waxka heersarreeya wixii uu aamin sanaa (beliefs), waxa isu qaban waaya aamminaadiisa iyo isbedelka deegaanku keeno.

Sadam Osman Kaabash.
Hargeisa, Somaliland.
Degmada: Maxamed Mooge.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this