Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Deegaanka Dhabad oo ka warbixiyay Qarax ka dhacay deegaankaasi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha deegaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud Adan Cabdinuur Galaal ayaa sheegay in 1 qof uu ku geeriyooday deegaankaas kadib markii uu ka dhacay Qarax Haraadigii Dagaalladii Sokeeye ahaa oo yiilay halkaas.

Waxaana Guddoomiyuhu xusay in qofka Geeriyooday uu ahaa qof Shacab ah oo ku sugnaa deegaankaasi Dhabad ee Gobolka Galgaduud.

Sidaas daraadeed ayuu Guddoomiye Adan Cabdi Nuur Galaal ugu baaqay Hay’adaha ku shaqada leh Miino Baarista in ay ku gacan siiyaan howlgallo Miino baaris ee ku wajahan qeybaha kala duwan ee deegaankaasi Dhabad.

Qaraxyada nuucaani ah ayaa siyaabo kala duwan aalaaba uga dhaca qaar ka mid ah Gobollada dalka iyagoo inta badan waxyeelo u geysta Caruurta oo aan waxba ka aqoon Qaraxyadaasi.

Mana jirto Cid Masuuliyad gaar ah iska saarta wax ka qabashada arrimahaas oo ah kuwa soo noq noqday waxyeeladooda.

The post Maamulka Deegaanka Dhabad oo ka warbixiyay Qarax ka dhacay deegaankaasi. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this