Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Arrimaha Bulshada Oo DP World Kala Shiraysa Shaqaalaysiinta Muwaadiniinta, Dalkana Ka Mastaafurisay 3 Qof Oo Ajaanib Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland, ayaa sheegtay inay dhawaan Dalka ka Mastaafurisay 3 Qof oo Ajaanib ah.

52C6E3AD-0D44-4E0A-90B4-F85CEDF9179C.jpe

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegtay in Sababta Saddexdaa Qof dalka looga saaray ay ahayd in shaqooyinka ay hayeen ay yihiin Shaqooyin ay Aqoonteeda leeyihiin isla-markaana qaban karaan Dadka Muwaadiniinta a.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-casse) oo Shalay u warramay Telefiishanka SAAB ayaa isagoo ugu horreyn ka hadlaya Sababta ay dalka uga Mastaafuriyeen Saddexda Qof ee Ajaanibka ah wuxuu yidhi “Saddex Qof oo Ajaanib ah ayaanu Waddanka ka saarnay, Tiro kalena waanu wadnaa, sababta aanu Dalka uga saarnayna waa in Shaqadii ay qabanayeen ay qaban karayaan Dadka Muwaadiniinta ahi.”

Agaasimuhu ma sheegin Waddamada ay u dhasheen Saddexda Qof ee Wasaaraddu Mastaafurisay, balse wuxuu tilmaamay inay sii wadayaan Mastaafurinta Dadka Ajaanibka ah ee Somaliland ka haya shaqooyinka ay Muwaadiniintu qaban karaan “Markaa shaqo badan ayaa xagaana ka socota.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey inay diwaangelinayaan Shaqaalaha Muwaadiniinta ah “Shaqaalaha Waddaniga ah ee Dalka waanu diwaangelinaynaa ee taa ku bushaaraysta.”

Dhanka kale, Agaasimaha guud oo la waydiiyey waxay Wasaarad ahaan kala socdaan Cabashada Muwaadiniinta Gobolka Saaxil ee ah in Dad Ajaanib ahi kala wareegeen Shaqooyinkii Dekedda Berbera, ayaa ku jawaabay inay arrintaa kala shirayaan Shirkadda Dekedda Maamusha ee DP World “Madaxweynaha JSL maalintii dhawayd ee uu Berbera joogay wuu ka hadlay, Aniguna mar labaad ayaan ku celinaynaa waxaanan leeyahay shaqo uu Qof muwaadin ahi qaban karo Qof ajaanib ahi ma qabanayo.”

Agaasime Ilka-casse waxa kale oo uu sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ay DP World ee Maamusha Dekedda iyo Berbera iyo Saldhigga Milletari ee Imaaraadku ka furtay Berbera ay kala hadlayaan shaqooyinka ay qaban karaan Muwaadiniintu inaan Cid kale loo dirin “Maamulka Wasaaradda ee Gobolka Saaxil way la fadhiisanayaan Shaqaalaha Muwaadiniinta ah ee Gobolka Saaxil, Shirkadda DP World waanu la fadhiisanaynaa, Saldhiggana waanu la fadhiisanaynaa, markaa Shaqaalaha Somaliland waxaanu leenahay wixii aad qaban kartaan waad qabanaysaan ee Idinkuna is hagaajiya..”ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this