Sign in to follow this  
Deeq A.

War-saxaafadeed: PUNSA oo baaq u dirtay madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dallada daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland(PUNSAA)waxaa ay ugu baaqaysa Madaxwaynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

1 in Gudiga xaslinta khilaafaadka iyo kala saarista xildhibaanada in uu noqdo mid si dhexdhexaad ah si cadaalad ahna u dhamayn khilafaadka soo wajihi kara lehna Amaano

2 xubnaha gudiga waa in aan lagu darin siyaasiyiin xil ka haya ama ka soo qabtay dowladihii hore ee waa in laga soo xulaa bulshada qaybaheeda kala duwan waana in ay ahaadaan dad sharaf iyo karaamo ku leh bulshada reer Puntland .

3 xubnaha gudigu waa in uu noqdaa mid loo dhanyabay oo qoondo laga siiyo haweenka si ay u hubiyaan matalaad haweenka ee golaha wakiilada la soo xulayo .

PUNSAA waxaa ay sidoo kale ugu baaqaysaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka in ay ka taxadaraan isticmalaan hadalo xanafleh oo wax u dhimi kara Amniga iyo wadajir shacabka Puntland.
PUNSAA Waxay Ku baaqaysa in dhamaan musharaxiintu ay ka qayb qaataan sugidda Amniga ayna xaddidaan ilaaladooda .

DHAMMAAD

FB_IMG_1543477864611.jpg?resize=720%2C96

The post War-saxaafadeed: PUNSA oo baaq u dirtay madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this