Sign in to follow this  
Deeq A.

Walaaca DF ay Roobow ka qabto oo la ogaaday inaanu ahayn Al-Shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse walaaca dowladda lama xiriiro inuu ahaa Al-Shabaab, sida ay dad badan qabaan.

Taageereyaasha Robow iyo qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda waxa ay qabaan in dowladda aysan dan iyo heello ka lahayn taariikhdii hore ee musharaxa ee Shabaabnimo, balse ay wal wal ka qabaan taageeradiisa ku xoogeysaneysa qabiilka Raxanweyn oo hogaamin karta in uu uga guuleysto doorashada.

Robow wali si shaarac ah falcelin uma sameyn, laakiin, saacado kaddib markii uu gudiga doorashada u gudbiyey warqadihiisa doorashada, shan musharaxa ayaa u tanaasulay oo garabka ka taabtay.

“Dhammaan aqoonyahanada, dhallinyarada iyo ganacsatada Koonfur Galbeed waxa ay go’aansadeen in musharaxeennu Sheekh Mukhtar Robow yahay,” Xassan Xaaji oo ahaa musharax ayaa sidaas yiri kaddib markii ay gudiga doorashada ku dhawaaqeen xiilliga doorashada.

Robow waxa uu ku ol’oleynayaa kaar ammaan, isaga oo ballan qaaday mar uu isu soo baxayaal la hadlayey bishii Oktoobar: “Haddii aan guuleysto, waxaan cidhib tiri doonaa maleeshiyaadka Al Shabaab, burcadda xiran dharka dowladda iyo maleeshiyaadka kale ee qabaa’ila ee dhibta ku haya maamulkeena.”

Inta badan Soomaalida, in siyaasad ahaan loo dhaqan celiyo Robow waa mid waqti fog qaadaneysa. Dhammaan doodaha baraha bulshada waxa ay tixraacayeen weeraradii uu ka caawiyey Al-Shabaab.

Hase yeeshee, marka laga yimaado shakiga ay ka qabaan iyo midda dowladda, Roobow waxa uu qodax ku noqon karaa dhinaca Al-Shabaab, wuxuuna fursad u noqon karaa dowladda, sidaas waxaa aaminsan qaar ka mid ah fallanqeeyeyaasha siyaasadda.

Rashiid Cabdi oo ka tirsan kooxda xasarada caalamka ayaa ku dooday in haddii loo ogolaado in uu tartamo ay ay dowladda u noqon doonto tallaabo ay ku soo jiidato dagaalyahanno kale oo soo goosta.

“Dadka waxa ay u tahay dimuqraadiyad cusub,” ayuu yiri. “Haddii aysan abaalgud lahayn in dhinacan la yimaaddo, waxa ay dhiirigalineysaa in la dagaalamo ilaa laga dhimanayo.”

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this