Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sii daayay xoolo dhaqato ajaaniib ah oo u afduubneyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajeer (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa sii daayay xubno Ajaaniib ah oo u afduubnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dowladda Kenya ee gobolka waqooyi Bari.

Al Shabaab ayaa xubnaha ay sii daayeen waxay ahaayeen kuwo xoolo dhaqato ah oo ay ka afduubteen deegaan hoos taga degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Wajeer.

Labada Ruux ee Xoolo dhaqata Kenyan-ka ah ayaa lagu sii daayay ka dib wadahadal dhex maray Al SHabaab iyo beelaha ay kasoo jeedaan xoola dhaqata, sida uu sheegay guddoomiyaha.

Maxamed Biriik, guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari ayaa dhankiisa sheegay inay adkeeyaan amaanka deegaanada dhaca xuduuda waqooyi bari ee dalka Kenya, isaga oo xoolalayda u sheegay inay amaankooda sugayaan.

“Waxaan ku soo shaqeeynay howlgalo badan oo dhinaca ammaanka ah si aan uga hortagno dhacdo la mid ah tan, Ilaalinta iyo amaanka deegaanada xadka ayaa si weyn loo xoojiyay” ayuu yiri Birik.

Al Shabaab ayaa dadkaasi ka afduubtay duleedka degmada Wajeer kadib markii ay ka hor yimaadeen Zakawaad ay Al Shabaab ka qaadayeen dadka xoolaleyda ah ee ku sugan gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Mandheera
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this