Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiweli Gaas & wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Dhahar oo Muuse Biixi tahli kari waayey inuu tago+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
gasdhahar.jpg?resize=690%2C409

 Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar taariikhi aha kusoo gaadhay gelinkii hore ee Arbacada 28 November 2018, magaalada Dhahar.

Gaas & Weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaala Dhahar, waxaa kusoo dhoweeyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan, maamuulka degmada Dhahar, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, ururada bulshada rayid ka ah, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin  & aqoonyahano, bahda wax barashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Dhahar.

Safarka madaxweynaha ee uu ku gaadhay halkaas yaaa daaran u kuur gelid uu kusoo eegayo iyo xaalada  Dhahar iyo baahiyaha shacabka, iyo  mashaariic horumarineed oo ka socda Degmada.

Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Dhahar soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, waxaana kamid ahaa hadaladiisa.

gasdhahar1.jpg?resize=690%2C361

“Aad baan uga mahadnaqayaa soo dhoweynta quruxda badan, runtii waxaan oran karaa soo dhoweyn waa ka weyn tahay, Waxaan ka xumahay oo runtii dareemayaa inaan idiinka soo daahay, laakiin waxaan rajeynayaa inay tani furre u tahay shanta sano ee soo socota, waan idiin nimid, waxaan u imid inaan idiin soo booqano, Inaanu ogaano xaalada dhabta ah ee gobolka ka jirta, waxaanu idiin keenay dhowr mashruuc, mashaariicdaasi waxay ka koobnaayeen mashruuc ay fulinayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhismaha guryaha dadka loogu talagalay barakacayaasha, gaar ahaan dadkii kusoo barakacay abaarihii iyo barnaamijkan mashruuca caafimaadka,. Waxaan u baahannahay in isbedel gobolka laga suubiyo dhan walba, gobolku wuxuu difaac iyo xayndaab u yahay Puntland, dhabtii waa difaacii Puntland, waxaan isku waraysan doonaa Haylaan oo horumartay dhanwalba, waxaan u baahanyayhay taageeradiina, ducaddiina iyo garab istaagiinna si isbedel u suubsamo aadna horseed ka noqotaan isbedelkaas” 

Ugu danbeyntii  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Degmada dhahar ka daah furay mashruuc daryeelka caafimaadka Aasaasiga ee Sanaag oo ah mashruuc ay kafaaidaysanayaan boqolaal dadweyne ah isla’markaana madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa Degmada dhahar ka dhagax dhigay mashaariico horumarineed oo uu kamid yahay laami dheer ee isku xiri doona Sheerbi iyo Xiingalool.

gasdhahar2.jpg?resize=690%2C444

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this