Sign in to follow this  
Deeq A.

Nugaal: Murashaxiinta Madaxtinnimada Puntland Oo Amar La Dul Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi Gujir ayaa warqad uu u diray laamaha amaanka wuxuu ku wargaliyey amar uu ku soo rogay musharixiinta madaxweynaha ee imanaya magaalada Garowe.

Amarkaas ayaa guddoomiyuhu wuxuu farayaa musharixiinta ku tartami doona doorashada madaxweynaha ee bisha Janaayo 2019 in ay laba cisho ka hor inteysan soo galin Garowe ay soo wargaliyaan Xarunta Gobolka.

Gudoomiye Gujir wuxuu kaloo musharixiinta ku amray ineysan wax shir ah oo  la xiriira ololohooda doorashada oo aan gobolku ka warqabin aysan ku qabsan karin magaalada Garowe.

Sida ay baahiyeen warbaahinta gobolka, qaar ka mid ah murashaxiinta ayaa iska diiday amarka, iyaga oo ku tilmaamay in  loo diidayo xuquuq ay sharci ahaan iyo dastuur ahaan u leeyihiin, loona baahan yahay in la dhowro xuquuqdooda dastuuriga ah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this