Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabab oo siidaayay Muwaadiniin Kenyan ah oo horay ay u Afduubteen.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Wajeer ( Sh.M.Network):-Xarakadda Al Shabaab ayaa siideysay labo nin oo Kenyan ah kuwaasi oo ay  Todobaad kahor ka afduubteen Deegmada Wajeer ee Gobolka waqooyi Bari Kenya..

Maxameed birik  Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay siideynta labadani nin oo la sheegay in ay xoolo dhaqato kenyaan ah ahaayeen kadib wada hadal guulesytay oo dhexmaray Al Shabab iyo Ehelada Ragaasi.

Taliyaha ayaa xusay in ay si Nabad gelyo ah ay kusoo laabteen Islamarkan ay yimaadeen deegaanka Khorof Kharar.

Waxaana uu intaasi ku daray in Dowladda Kenya ay haatan waddo qorshe ay ku xaqiijineyso  Amaanka xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya,

Horaantii bishaan ayay ahayd markii koox hubaysan ay deeganka kilifi ee dalka Kenya ka afduubteen haweenay u dhalatay dalka Talyaniga.

The post Al Shabab oo siidaayay Muwaadiniin Kenyan ah oo horay ay u Afduubteen. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this