Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: C/llaahi NUUR “Kheyre iyo Cawad ayaa BF ku soo qaaday duulaan, lama kala diri karo gudiga maaliyada”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee maanta la kala diray ayaa sheegay inay tahay sharci-darro oo aan guddiga la kala diri karin.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in iska daa guddoon’e, xitaa golaha guud ee baarlamanka uusan kala diri karin gudidga, sida ku cad xeer hoosaadka baarlamanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta loo kala diray guddiga ay tahay warbixintii xukuumadda ku eedeysay musuq-maasuqa ee guddiga uu soo saaray toddobaadkii tegay.

“Dalka waxaa ka jira xukuumad aan ogoleyn in lala xisaabtamo, ee ma ahan inay ku jawaabto in guddiga la kala diro” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Arrintan waxaa si toos ah uga mas’uul ah oo baarlamanka kusoo duulay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xubnaha guddiga ay sii wadi doonaan shaqadooda islamarkaana aysan aqbali dooni sharci-darro in lagu kala diro.

Hoos ka dhageyso wareysigiisa

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Cabdullaahi-Nuur-codkiisa.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this