Deeq A. Posted November 28, 2018 Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay tallaabadii uu Guddoonka Baarlamaanka ku kala diray Guddigii Maaliyadda. Cabdiraxaman ayaa tilmaamay inay arrintaan gogol xaar u tahay sidii loo kala diri lahaa Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu ka digay Qorshe uu sheegay inay Dowladda wado oo ah dalka laga hirgeliyo Hoggaamin kaligii talis ah. Cabdiraxmaan ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay ka faa’ideysaneyso Shacabka Soomaaliyeed oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa daalan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook Qoraalkani waa bilawgii dhamaadka Baarlamaanka. Waxaan shaki iiga jirin in uu xigi doono qoraal kale oo Baarlamaanka lagu xirayo ama lagu kala dirayo. Rajiimka talada haya waxaa ka dhaadhacsan in xalka Soomaaliya uu kalitalis iyo xukun wareegto ah ku jiro. Maadaama uusan heli karin awood ciidan uu falkaas ku taaba geliyo, taa bedelkeeda wuxuu adeegsanayaa xeelad walba oo kali talis ku hirgeli karo sida, qaybin, laaluush, hanjabaad, dhexmar iyo isku danaysi Alshabaab, cunaqabatayn ganacsi iyo ajnabi isku dhiib. Waxaa laga faa’iidaysanayaa shacab daalan oo ay Alshabaab dil, qarax iyo baad ku dhufaaneen. Waxaase kali talisnimada shacabka u hoosaasinaya, xildhibaanka aragtiisu danaysi gaaban ku siman tahay, ganacsade ku riyoonaya in uu kalitaliska ka badqabo, maalmana ku ekaan doono, siyaasi afka haysta oo xukunka isku dhakaniya, iyo koox indha la’aan qabyaalada ku tageersan. Waxaanse Ilaaheey mahadii ah in aan joogno aduun ay awooda warbaahinta bulshada kali talis ka xoog badan yahay, aduunkana ka suulisay. Waxaan ku kalsoonahay in shacabka Soomaaliyeed aysan kalitalisnimo xiiso u qabin, gaar ahaan dhalinyarada xorta ah ee caqliga iyo xooga furan. Waa in aan isku tashanaa, iskana ilownaa Baarlamaanla la sharaf tiray, oo aan xaqeena u wada halganaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites