Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo ku bilowday qarax nooca miinadda ah ayaa laga soo wariyayay inta udhaxaysay tuulooyinka Dhaneene iyo Gan-darshe.

Fahfaahinadda ayaa xaqiijinaya in iska hor-imaadka lagu dilay Sagaal kamid ah askarta dowladda, xili tiro kale oo intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lasoo sheegayaa in dhanka xarakada A-Shabaab inuu jiro, wallow aanan la hubin tiradda saxda ah.

Mudooyinkii dambe gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan kusoo kordhayay dagaalada ku dhex-maraya ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-Shababab.

The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo ka dhacay Sh/Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this