Deeq A. Posted November 28, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Howlgalka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in duqayn cusub uu ka fuliyay gobolka Mudug ee koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan degaanka Quy Cad oo kaabiga ku haya tuuladda Caad. AFRICOM ayaa shaaca ka qaadey in weerarkaasi cirka ah ay ku dileen saddex kamid ah dagaalamayaasha hubeysan ee AlShabaab, xili ay meesha ka saartay inay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah. Taliska ayaa wuxuu wacad ku maray inuu laba jibaari doono duqaymaha uu ka fulinayo Soomaaliya, kuwaasi oo uu ku beegsanayo xubnaha Al-Shabaab iyo Saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka dalka. Bartamihii bishaan November ayay ahayd markii uu Mareykanka in ka badan labo duqaymo uu Al-Shabaab kula bartilmaameedsaday gobolka Mudug, halkaasi oo uu shaaciyay inuu ku dilay ku dhowaad 40 xubnood. The post Mareykanka oo ka warbixiyey duqayn uu ka fuliyay G/Mudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites