Sign in to follow this  
Deeq A.

Muudeey Oo Sheegay Inuu Kala Dirayo Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Ee Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal ka soo baxay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayuu ku dhawaaqay in la kala diray Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka.

Muudeey waxaa uu ku sababeeyey:

  1. Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun.

2. Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda,

3. La tashtay guddoomiyaha golaha shacabka iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad

Intaasi kadib, waxaa uu soo saaray go’aankan:

  • Waa la kala diray xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka
  • Waxaa degdeg loo magacaabaa guddi maaliyadeed oo cusub
  •  Waxaa degdeg loo qaban-doonnaa doorashada guddoon cusub

ilaa hadda xubnaha guddiga kama hadlin. 

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this