Deeq A. Posted November 28, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa looga hadlay go’aankii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo qodobo ka soo saaray khilaafka labada dhinac. Warkan ka soo baxay golaha iskaashiga, oo uu hadda guddoomiye u yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa lagu sheegay in ay si kalsooni leh u taageerayaan dadaallada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale goluhu waxa uu sheegay in uu diyaar u yahaya in Aqalka Sare uu kala shaqeeyo sida xal loogu heli karo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Khilaafkan oo muddo soo jiitamayay ayaa saameyn ku yeeshay wadashaqeynta labada dhinac, inkasoo weli ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafkaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post GIDG Oo soo dhaweeyay go’aankii Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites