Deeq A. Posted November 28, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Dacwad ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Mahad Cabdalla Cawad u gudbiyay guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka in uu ku xad gubday xeerhoosaadka Baarlamaanka Soomaalia. Sidoo kalena uu qaab qaldan u maamulay kulankii Golaha Shacabka ee Sabtidiii la soo dhaafay, sida uu hadalka u dhigay.. Ugu dmabeyn Xildhibaan Mahad Salaad oo eedan cuskaday qodobo Dastuuri ah ayaa ka dalbaday guddoonka BFS in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Mahad Cabdalla Cawad Oo Dacwad laga gudbiyay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites