Deeq A. Posted November 28, 2018 Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga sameeyay xaafado ku yaalla waqooyiga magaaladaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa sheegay in ujoodka baaritaanadaasi uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in howlgalladu ay sii socon doonaan, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Isniintii la soo dhaafay ayey aheyd markii Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen xarun uu Wadaad caan ah uu ku lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites