Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga difaaca BFS Oo soo xiray kulan lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay guddiga difaaca Golaha Shacabka, wasaasaradaha Gaashaandhigga iyo Maaliyadda oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday gudaha magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil Ciidan, Arday ka socotay Jaamacadaha dalka iyo qeybaha kala duwan ee Ururada bulshada rayidka ah.

Waxaana uu intii uu socday shirkani looga dooday arrimo ku aadan Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Xoogga Dalka marka ay noqday Howlgab.

Qaar ka mid ah Ardaydii ka qeyb gashay shirkan oo laga talagalinyay Sharciga Xaqsiinta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay aragtidooda.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise guddoomiyaha guddiga difaaca Golaha Shacabka ee BFS oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in lagu dhiira galiyo, laguna garab istaago Ciidamada ammaanka  sugida nabad galyada guud ahaan dalka.

Sidoo kale guddoomiyaha guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa xusay in Sharciga Xaqsiinta Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed uu dhiira galinayo in dhalinyarada Soomaaliyeed Gabdho iyo Wiilal ay qortaan Ciidanka, maadaama uu qeexayo sharcigan dhammaan xaquuqaha ay leeyihiin Ciidamadu marka ay noqdaan howlgab.

Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidanka Soomaaliyeed ayaa hor yaalla Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu muhiim u yahay meel marintiisa Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo haatan wajahaya marxalado adag.

The post Guddiga difaaca BFS Oo soo xiray kulan lagu qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this