Deeq A. Posted November 28, 2018 Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kalsooni leh u soo dhoweeyay go’aankii shalay ka soo baxay guddiga Aqalka sare ee u xil-saaran xal u helidda khilaafka xukuumadda Federaalka iyo GIDG. War-muriyeed ka soo baxay Golaha islaashiga oo uu ku saxiixanyah guddoomiyaha Golaha ahna madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa lagu sheegay in ay Aqalka sare kala shaqeynayan xal u helidda khilaafka jira ee salka ku haya fulin la’aanta xukuumadda Federaalka ee wixii lagu heshiiyay,sida qoraalka loo dhigay. PUNTLAND POST The post GIDG oo soo dhoweeyay go’aankii Aqalka sare appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites