Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Daacish iyo Al Shabaab oo lagu qabtay xuduuda Mexico iyo Mareykanka +Magacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish lagu qabtay xuduuda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico, waxaana ku jira dhalinyaro Soomaali ah.

15 Xubnood oo ka tirsan labada kooxood ayaa dowladda Mareykanka waxay sheegtay in la qabray intii u dhaxeysay 2001 ilaa 2018, waxaana la sheegay in xubnahaasi ay dirsadeen labada urur oo dagaal kula jira danaha reer galbeedka ee caalamka.

Dhalinyarada ayaa waxaa ku jiro Soomaali badan oo dalal kala duwan laga qabtay, waxaana kamid ah:-

1-Cabdulahi Shariif, Somalia, lagu xiray  Alberta, Canada, September 2017,  ka tirsan Daacish.

2-Ibrahim Qoordheere, Waa Somali, waxaa lagu xiray  Costa Rica, March 2017,ka tirsan al-Shabaab

3-Abdullahi Cumar Fidse, Waa Somali, waxaa lagu xiray Sohdinta  Mexico-Texas , June 2008, ka tirsan Al-shabaab

4-Maxamed Axmad Dhaqane, Waa Somali, waxaa lagu xiray sohdinta  Mexico-Texas , October 2008, ka tirsan Al Itixaad Al Islaami .

5-Qof aan la magacaabin u dhashay Somalia , waxaa lagu xiray sohdinta  Texas-Mexico, June 2014, ka tirsan  al-Shabaab.

6- Qof aan la magacaabin, u dhashay Somalia, lagu xiray sohdint Mexico-California, May 2011, ka tirsan Al-shabab, Aabbihiis, Hooyadiis iyo Afar Carruur ah oo la dhalatay ayaa sidoo kale ku jira liiska Argagixisada isha lagu hayo.

Sagaal ruux oo kale oo la sheegay inay u kala dhasheen dalalka Afghanistan,Lebanan, Pakistan, Sri Lankan iyo Bangladesh ayaa lagu qabtay xuduuda ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimadad@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this