Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay qorshaha Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa uu u yimid Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan oo soo gaaray taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ugu sareeya Gen Thomas D. Waldhauser iyo saraakiil kale.

Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya magaalada Muqdisho iyo xubno kale oo ka tirsan safaaradda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in taliyaha uu u yimid magaalada Muqdisho sidii uu ula kulmi lahaa madaxda kala duwan ee dalka, isaga oo kala hadlayo howgalka Mareykanka uu ka wado Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirto Al Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya laga taageerayo wax uu ugu magaca daray D3s oo ah Difaaca, Diblomaasiyadda iyo Horumarka.

Taliska uu Hogaamiyo Gen Thomas D. Waldhauser ayaa duqeymo badan todobaadkaan ka geystay gobolka Mudug, waxaana ay sheegeen inay ku dileen duqeymihii ugu dambeeyay inka badan 40 dagaalyahan.

46992161_2813939201964844_59157483155336

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this