Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno, Xisbiyo Siyaasadeed Iyo NUSOJ Oo Dalbanaya Sii-deynta Weriye u Xiran Dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka, Ururka NUSOJ iyo xisbiyo siyaasadeed ayaa dalbaday sii-deynta weriye todobaad ka badan u xiran ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Saabir Shuuriye  oo ah mudane ka tirsan guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta golaha shacabka ee BFS ayaa difaacay xuriyadda fikirka isaga oo dalbaday in la sii daayo wariye Nuur Ismacil Sheekh oo u xiran ciidamada ammaanka.

Mudane Shuuriye oo arrintaas ka hadlaya waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa “Anigoo ah mudane ka tirsan Guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka ee BFS waxaan welwel iyo walaac ka muujinayaa xadgudubka iyo caburinta xoriyatul qowlka xukuumaddu ku hayso warbaahinta madaxa bannaan iyo wariyaasha afkaartooda ku qora baraha bulshada sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya Qoddobkiisa 18 aad faqradiisa (1), (2), (3) oo u qoran sidan. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho so bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar. Xoriyatul qowlku waxaa ka mid ah, xorriyada hadalka saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektarooniga ah.

Xildhibaan Saabir waxaa uu dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo weriyaha “Mar hadii sharciga dalka sidaas qorayo waxaan cod dheer ku leeyahay in si deg deg ah loo siiyo xoriyadiisa wariye Nuur Ismacil Sheekh kaas oo loo xiray fikirkiisa uu ku qoray baraha bulshada ilaa hadana aan la keenin maxkamad”.

Dhankiisa, Xildhibaan Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in tifaftiraha Website-ka Shaaciye Nuur Ismacil Sheekh uu 9 cisho ku xiran yahay Muqdisho, isaga oo dalbaday in la sii-daayo.

Xildhibaan Axmed Fiqi oo arrintaas ka hadalay““Haddii aan nahay xildhibaannada waxaa ay mas’uuliyad akhlaaqeed naga saaran tahay in aan ilaalino dadka loo awood sheegto, loogu awood sheegto iyaga oo cabiraya fikirkooda, ra’yigooda xorta ah, aragtidooda gaar ah, dalka ay ku noolyihiin iyo duruufta ay ku nool yihiin, dadkaas in la ilaaliyo waajib ayaa naga saaran, dadka aan golaha shacabka ugu jirno ayey ka mid yihiin”.

Mudane Fiqi oo sii-hadlaya“ Waxaan cambaareyneynaa, in qofka dastuurka u siinayo, xaq qodobadiisa inuu si xor ra’yigiisa cabiro, si xor ah dadka meel isugu iman karaan, si xor mudaaharaadi karaan, iyada oo ra’yigooda cabira oo aan dhib, xoog  iyo qarbudaad wadin, in qofkaas loogu awood sheegto in ciidamaddii aammaanka loo diro, la yiraahdo hala soo qabto, xuriyaddiisa laga qaado, ehellkiisa, caruurtiisa xaqa uu u lahaa in la noolaado, waalidkii inuu u  shaqeeyo xaqa uu u lahaa in xabsi la geliyey, arrintaasi waa cambaareyneynaa, arrin ku jirto dastuurka iyo shuruucda dalka ma aha, waa wax waqtiyo hore la soo miin guuriyey waaye, qof caqligiisa ku jirto qofka xorta ah la la caburiyo, waqti kale oo la soo gudbey ayuu ku nool yahay”, isaga oo ugu dambeyntii ku baaqay in cid walbo oo heysata iska soo deyso, xuriyaddana aan la xiri karin.

Dhinaca kale, xisbiga Wadajir ayaa cambaareeyey xariga weriyaha iyaga oo ku sheegay isku day kale oo xuriyadda hadalka iyo ra’yiga lagu caburinayo, af qabasho iyo xadgudub qaawan oo dastuurka lagu sameynayo.

Wadajir waxaa uu dhaqan kali talis ah ku tilmaamay xarigga sharci darrada ah ee weriyeyaasha, caburinta iyo cagajugleynta joogtada ah iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo weriye Nuur.

Horay waxaa sii-deynta weriyaha u dalbaday ururka saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this