Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Fiqi “Hala Soo Daayo Wariye Nuur Ismaaciil” (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay iney cambaareynayaan xarigga Wariye Nuur Ismaaciil oo in ka badan 7 cisho u xiran dowladda federaalka ah.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in sharci darro ay tahay qof muwaadin ah inuu xabsi ku jiro 24 saac ka badan maxkamad la’aan.

Ka xildhibaanno ahaan ayuu sheegay iney arrintan dabageli doonaan, islamarkaana aysan aqbali doonin in qofka muwaadinka ah laga qaado karaamada.

Xildhibaan Fiqi ayaa ugu baaqay cid walbo oo xarigga wariye Nuur ka dambeysay iney sii deyso.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Xildhibaan-Fiqi-Weriye-Nuur-Ismaaciil-Sheekh-waxa-uu-ku-xiran-yahay-sharci.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this