Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Diyaarado Duqeyn Ka Fuliyey Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaan ku dhow deegaanka Goodirley ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in dhowr gantaal ay diyaaradahan ku dhufteen saldhig weyn oo Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Lama oga weli khasaaraha ka dhashay duqeyntan, balse waxaa jirta waxyeello soo gaartay dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan.

19-kii bishan ayeey ahayd markii isla deegaankan ay duqeyn ka fuliyeen diyaarado dagaal, iyadoo halkaasi ku dhinteen in ka badan 30 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this