Sign in to follow this  
Deeq A.

“Ilaahay iguma ceebeeyo mas’uuliyeeda la ii xil saaray oo ah ka warqabida iyo gacan ku heynta kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho”

Recommended Posts

Deeq A.   

25 bishan November  Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib usoo celiyay kooxdii dolwadda Hoose xamar ama Muqdisho city oo mudo fag ka maqneyd saaxada ciyaaraha waxaana magacan qaatay naadiga Banaadir SC oo ah ka mid aheyd kooxaha ugu weyn kubbadda cagta dalka sanadihii lasoo dhaafay hanatay ku guulaystay koobka kubbadda laga dhigay gudaha.

0T8A9477-300x169.jpg

Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxda dowlada hoose xamar ayaa sanadihii lasoo dhaafay madaxdii soo martay maamulka Gobolka Banaadir ka codsaday in dib loo howl geliyo kooxda caasimada,iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin ay si dhaw ula shaqeyndoonaan maamulka,ciyaartooyda iyo tababarayaasha.

46519206_2163925900512824_23659699185427

Gudoomiyahay Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa bogaadiyay dadkii ka shaqeeyay arintan,isagoo dhanka kale balanqaaday in ay garab istaagidoonaan laacibitiinta iyo macalimiinta ku dheelay sharafka caasimada Muqdisho

46625844_1058310271170155_70856927769893

“Waa Alla mahadii waqti dheer ka dib in aan dib usoo celino kooxdii Dowlada Hoose Ee Muqdisho Waxaan diyaar u nahay garab istaagida dhalinyarada ku ciyaaraysa magaca Caasimada””waxaa sidaas Goobjoog u sheegtay gudoomiye ku xigeynka arimaha bushada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jaketti.

 0T8A9490-300x169.jpg

Isku soo wada duub Kooxda dowlada hoose ee Muqdishio ayaa horay u qaaday 3-jeer oo horyaal ah,2-jeer oo koobka jeneraal daa’uud,halka intii u dhaxaysay 1986-187 ay magac ahaan ku matashay xulka qaranka da’yarta kubbadda cagta

Halkan Ka Daawo Waraysi Gaar Ah Oo Ay Basmo Caamir Siisay Goobjoog Sport

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this