Deeq A. Posted November 28, 2018 Buulo-Burte ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen in sarkaal ka tirsanaa Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku dileen laba qarax oo ka dhacay degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in sarkaal kale oo qaabilsanaa dhinaca Miino baarista ay ku dhaawaceen qaraxyadaasi oo ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee degmadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Dhinaca kale taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Axmed Tareedisho ayaa ka warbixiyay howlgallada ka socda gobolka Hiiraan. Taliye Tareedisho ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay oo ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas ay ku soo furteen Saanad Milatari. Waxaana uu intaasi ku daraya in howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ay sii socon doonaan, tan iyo inta Al Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolkaasi. Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa todobaadyadii la soo dhaafay howlgallo Milatari ka waday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. The post Sarkaal ka tirsanaa AMISOM Oo lagu dilay gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites