Deeq A. Posted November 28, 2018 Geneva ( Sh. M. Network )-Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/naasir Saciid Muuse ayaa ka qeyb galay Shir weyne guud oo looga hadlayo ka hor-tagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa iyo siddii wax loogu qaban lahaa dadka Waxyeelada ay ka soo gaarto Qaraxyada. Shirkaan oo ka socda Magaaladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay marka laga soo tago Wafdiga Soomaaliya ka socda Madax kala duwan oo ka kala yimid Wadamada Caalamka. Sidoo kale Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhisa Dalka Switzerland Marwo Faadumo Insaani iyo Masuuliyiin kale oo Wafdiga Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Amniga uu hoggaaminayo qeyb ka ah. Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo saaro Qodobo dhowr ah oo ku saabsan ka hor-tagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa iyo siddii wax loogu qaban lahaa dadka Waxyeelada ay ka soo gaarto Qaraxyada. The post Soomaaliya Oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Switzerland appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites