Deeq A. Posted November 28, 2018 Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sheegay in maamulkiisu uu soo dhaweynayo War-Murtiyeedkii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xirsi Jaamac Gaani ayaa xusay in ay muhiim tahay in wax weliba lagu dhameeyo is faham iyo tanaasul, si loo badbaadiyo dalka. Waxaana uu ugu baaqay Madaxda dowladda Soomaaliya in ay tix galiyaan dadaallada ay wadaan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-soofeesane.mp3 The post Jubbaland Oo soo dhaweysay Go’aankii Golaha Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites