Sign in to follow this  
Deeq A.

Waftigii Madaxweyne Muuse Biixi Oo Saaka Ka Soo Ambabaxay Magaalada Ceerigaabo Iyo Tuhun Dad Badan Qabeen Oo Fadeexad Ku Ah Oo Rumoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ceerigaabo)-Waftigii uu hoggaaminaayey madaxweynaha Somaliland oo muddo laba maalmood ah ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag ayaa saaka ka soo ambabaxay Magaalada Ceerigaabo.

46888117_1919679704812540_56855273997693

Waftiga Madaxweynaha ayaan u bixin bariga gobalka Sanaag oo dadku is weydiinaayeen in uu madaxweynuhu tagi doono, iyada maamulka Puntland uu faro-galin ka wado.

Dad badan oo ay ka mid waxgaradka iyo xildhibaannada laga soo doorto bariga gobolka Sanaag ayaa waxa ay tuhun ka qabeen in aanu Madaxweynuhu booqan doonin bariga gobolka Sanaag, iyada arrintaasi ay fadeexad ku tahay safarka madaxweynaha.

Waxaana waftigu ay dib ugu soo noqdeen waddada Ceerigaabo Burco illaa iyada oo la filaayo inuu madaxweynuhu dib ugu soo noqdey magaalada Hargeysa safarkiisii bariga na uu sidaas u soo gabo-gabeeyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this